VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ma salguuuro - Lyrics

Ma salguuro caashaqa Ani sibiq ma igu yidhi Intuu samada ila tegay Saxar-qaadda fooraha Dul-sabbee! ma igu yidhi Dhalanteed ma igu sabay Soojeede maqan oon Seexanayn ma iga dhigey Ma salguuro caashaqa Ani sahal ma igu helay Intuu soortii iga jaray Suun adag ma igu xidhay Ma i saaray heegada Wax sanceeya ma u la'ahay Saakana maygu weyn yahay Suxullada ma ii dhigay Ma salguuro caashaqa Ani salow ma igu riday Sambabbadiyo feedhaha Intuu surimmo kala baxay Ma ku soofay xididdada Seedihiyo lafaha iyo Wadnihii ma sarayoo Halistii ma sudhan yahay
Queue is empty
-- / --