kuwii gubay dalkeenee
dhaqankeenee gaasiree
gaalada inagu daray
guuldaraystayaashii
gawracay wadaadee
girgiraha inagu shiday
jabhada guula daayaa
gayigii ka saaroo
gayigeena maantaba
gacantaan ku haynaa
guul baynu joognaa
dhaha guul allee

waataan gabaahiir
gola yuus ku joognee
garawshiyo waynee
gudcurkii caduu dhalay
dhulkii geeriyaysnaa
garab iyo rag buu helay
jabhadaha gadoodaa
na gardaadinaayoo
gayigeena maantaba
gacantaan ku haynaa
guul baynu joogna a
dhaha guul allee

intay nagu gabraarteen
nimankii na kala guree
garba beel nagu riday
jabhada guulaa daayaa
gayigii kasaaroo
gayigeena maantaba
gacantaan ku haynaa
guul baynu joognaa
dhaha guul allee

Exit mobile version