Dhirta xididka hoosaa
dhulka loogu beeree
way dhici lahaayeen
Dhismahooda weeyee

Dhirta xididka hoosaa
dhulka loogu beeree
way dhici lahaayeen
Dhismahooda weeyee

Kii dhaba jaceylkuna
halkii kama dhaqaaqo
dhidibaa u aasan

Kii dhaba jaceylkuna
halkii kama dhaqaaqo
dhidibaa u aasan

waa sida dhillowyahan
intuu laan isaga degey
dhexda loogu marayee,
dhakhso uga baxaayee

Kii dhaba jaceylkuna
looma kala dhantaaloo
lafahuu dhammeeyaa

sida dhuda haween yaal
isu dheeli tiranoo
midba dhan u baxaysoo
dhinaca isa saaree
dhinaca isa saaree

Kii dhaba jaceylkuna
waaa qadan wadaagiyo
isu dhalasho daacad ah

sida dhalanka weeyaan
dheehaa caleentuyo
ubax wada dhalaaliyo

dhimbishaa hareeysee
dhimbishaa hareeyee

kol hadulamaan yahay
kala duuban meynee
waagaa dharaar noqon

Kii dhaba jaceylkuna
looma kala dhantaaloo
lafahuu dhammeeyaa

Exit mobile version