Calaf iyo jacayl
Cudur aana lahaynoo
Cadho aan ku dheehnayn
Caawaanu aragnee
2x

Cambaruud iyo caano
Ku midoobay noloshoo
Cisigiyo wanaaguna
Calankiinii weeyee
2x

Caawa caawadiinee
Caawa caawadiinee
Caawa caawadiinee
Caawa caawadiinee
Curad idin adeecoo
Cadow aan lahaynoo
Caawinaaya diintaa
Casiisbaan ka tuugee
Casiisbaan ka tuugee
2x

Calamashada kalgacal
Idinkaa cudoonoo
Ceeb aan lahaynoo
Ka caagay xumahee
2x

Xiisaha caashaquu
Waa sida cadceedoo
Caynkeeda nuurkiyo
Lagu camiro quruxdee
2x

Caawa caawadiinee
Caawa caawadiinee
Caawa caawadiinee
Caawa caawadiinee
Curad idin adeecoo
Cadow aan lahaynoo
Caawinaaya diintaa
Casiisbaan ka tuugee
Casiisbaan ka tuugee
2x

Exit mobile version