bilowgii aduunyada
aadan iyo xaawiyo
ilaa kownka maanta
casho kama ilaanoo
intay dunidu joogtana
aadmigu la jirayaaa
noolahaa ilaahay
waxaa jira inbadanoo
labadii is doortaba
amar kala dhex dhigayoo
isu qoonsanaayeee
qaadirow allahayow
dad intii isjeceloo
u dhexeeyoo caashaqu
awood kala bur bursiyo
ka ilaali eegmaha
bilowgii aduunyada
lagu beeray aadmiga
ilaa yoolka maanta
caashaqu ma ogolee
intay noloshu joogtana
aadmigu uu la joogaya
maad arag aduunyada
labo ruux is jeceloo
intuu nacabku helay
amar kala dhex dhigayoo
isu qoonsanaayee
caadilow allahayow
dad intii isjeceloo
u dhexeeyoo caashaqu
awood kala bur bursiyo
ka ilaali eegmaha

Exit mobile version