HAA HAA HOOO HOO

Munaay nolashaydiyee
Naftayda nafteediyeee
Nudaha beerkiyo jirkaay

Dhashiii nabi yuusafee
Marka ku helaan nastooo
Ka raystay nitaaqadee

Niyadii qalbigiii bukaa
Dib usoo nooleesayooo
Hablaha waxa dumar facaaga
Nabaadiina iree
Furaha nolashayda hoo

Ha’ifo caashaqu ha nuuro
Xanaaxo sidii dhalaanka

Munaay nolashaydiyee
Naq iyo roob iida’aay
La’aantayd lama nastaay

Haday nabar ii ahayd
Cadcayd dumar ii ahayd
Nuurkii dunida ifiyaay

Nafbaa utahay naftayda
Naafoooday haday mar waydo
Nasiibkii ikaa badaa
Xiska nooleeyee
Furaha nolashayda hooo

Ha’ifo caashaqu ha nuuro
Xanaaxo sidii dhalaanka

Exit mobile version