VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Daruuf jacayl - Lyrics

mar hadii jacaylkii intuu jidiinka kaa xidhay uu jabin karkaarihii sida aar jibaaxoo cidlo jaar ku noqoteen socod ruux jarmood jidsan qaaday waligii ma jiraa aduunyada miyuu xadhiga juuqluhu isu jiidi karayaa laba meel fog kala jira mar haduu jiheeyuhu ka lumo jidkaaga jaah-wareerna kugu dhaco xageebaad u jeedaa kuu jiitay caashaqu u jaraysay geenyada adigoon jiboonayn nafta aan jujuubayn caashaqaaga jaarka le u samayso jaal kale waa jiraa jacaylkee jarka laaca aragtoo adigoo jaleecada ha ku jarin naftaadee jawi aanad garanayn mar hadii jidhkaygii iyo jaaha aragtidu kaasoo hor jeesteen kuu juuqii maayoo xididada jidhkaygiyo unugyada ma joogtide kaa jaray naftaydee
Queue is empty
-- / --