VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ragna taada kama naxo - Lyrics

Anoo taawi cudur iyo nimaan taws lahaynoo waxan tabanayaa jirin oo guri tigaadliyo raaxo aan ku talo galay xurmadaan tusmaystiyo tistuna ay isu muuqdaan tufmayoo kalgcalkuna ilamaa tin iyo cidhib igu tiixay sidii roob tabtii layla iyo qays isu tabinay sheekada kaanu dhiganay meel talo soow ma tuurin wacadkii ileen taran jacayliyo talaal malaha caashaqu ragna taada kama naxo Tigaadda laacdiyo wabiga lagu tayeystiyo tabsin giir wax iga jira annoon tigso wali odhan saw tii banaan galay saxariirku toban yahay toddob baaqdey kawsaday ma tiraabin waynoo anna uma tawaawicin todobaadba sheekadu waxay taaga socotaba ma ku taabay halistii wadnaha dhiiga kala tagay dadka qaadhi ma u odhan ileen taran jacayliyo talaal malaha caashaqu ragna taada kama naxo
Queue is empty
-- / --