VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaamuuska nolasha - Lyrics

qudhu raadisee raadisee qarni rubuciibaan qiirada kalgacal la qandhoonayee qoqol iyo ardaa qasri joogtayaa joogtayaa qaxii yaman raacdayaa qaarada shishiyo qoom kale dhexdood ala ku qarsoontayaa qadar iyo ayaanbaa ina kala qarshayee qudus iyo dan raac kuma qoofalniye qaaliyow halkii qayrkay jiriyo qalinbaan sitaye qudhu waa tane igu qabo wadnaha QAADIR mahadii weeyee qiiradii kalgacaylkaygu qabyo tira qalbi fiicanbuu helay anba kuu qushuucayoo qaamuuska noloshayda qayb ka mida inaad tahay qaali ii ogsoonow
Queue is empty
-- / --