jeexyo doogloo uu jirkii helay
jidhaamo buuxoo biyo ay jiifaan
noolihih jaleecaa ka jeesan waayo
indhuhu jeclastaan baad iila jaad tehee
jiidhwadaag baynu nehee jismi midaynu nahay
naftayda u jeelan awgaa joogimee maqan
jirta halkaaga usoo jawaab
qalbiga jiitee jamashadaadii
jaah wareeray jaray anfaaciga
juubaa aroortii jar iyo buuraha
ay jibaaxee jidiinka oomiyo
indhuhu jiciirteen jedaaladadii

Exit mobile version