aduunyada geedigaa
guulaha aadmigu tirsado
jaclkaa gardaadiyoo
guriga aan buxibo jirin
samuhu u gabaabsiyaa
runtii geedkan caashaqee
dhirtiyo iga baxay wadnaha
aduu kuu gaaryahee
miraha gacaltooyadiyo
xigtooy hoobaan kaguro
adaa inatay gabadh jirtiyo
gayaankaba kaa xushee
guudkaad iisaaran tahay
gob gobaad aaminaay tahee
bog iyo laabta iigu qabo
nolosha caashaqa godloow
buuraha galadaha sidood
macaankeeda kuu guntee
hadaan qalbiya isu go'ay
gim gimi waa lagu dhintaa
naftaydaa gacaliyoow
gacanta ku haysaa ogoow
adaan kugu koobsanow
maankaa kuu gooniyeeh
ka dhawr inuu gaaro nabar
adaa inta gaban jirtiyo
gayaankaba kaa xushoo
guudkaad ii saarantoo
gob gobaad fasaloow tehee
bog iyo laabta igu qabo
caashaqa tira iga garoo
hadii laguu gaabiyo
la muujin bartuu gogladay
magaarin halkuu arbo
xilkiisii ma gudan
adaan gor iyo alal
xigtooy ku guneenayaa
adaan goobaha dalxiis
gayiga meesha uugu wacan
damashle kugu geenayaa
quruxda guur waa jacayl
nagaadkiisuna garow
gofkii dhaca maalintaa
godobta ruuxii tirsado
garowshiyaa u sad ah
noloshu waa galab caroow
dadkuna waa guul ifee
waan aakhiro goblamin
jirkooda cadaabta gubin
guuloow naga yeel dhamaan

Exit mobile version