Heesta Nin rageed - Lyrics
raja aan dharaariyo wax badan dhawray baa timiye
dhugashada qof aan fiirsadoo ii dhigmaan helaye
nin rageed i dhooldhooliyoo dhawrsan baa tahaye
sidaad ugu dhigan tahay nabdiga dhayal ha moodaane
dhabdhab dareenkiyo qalbigu kuugu dhololaaye
dhawaaqiyo codkaagani wadnaha wuu ku dhacayaaye
rajadaan mudada dhaaday baa ii dhamaytirane
waxaad qiimo dheertahay inbadan dheeman iyo luule
farxad iga dhinayd baa macaan kugu dhex noolayde
wehel aan ku dhaartiyo ahaw dhaaya bilahayga
dhigta loolka haysiyo adaa udub dhexaadkiiya
dhankaad iga xigtaabaan cidkale iiga soo dhicine
dhibtaad ila dareentaaba macaan iigu filan dheefe
adigaa dhigaa iyo dhigaa duni dhamaanteeda
qalbi kaa dhex doortoo naftaad dhiirigalisaaye
saaxiib u dhaw waa tahee dhaaxa ha cidlaynin
dhakhtarkii arwaaxdiyo ahaw dheelitirahayga
waxaad qiimo dheertahay inbadan dheeman iyo luule
farxad iga dhinayd baa macaan kugu dhex noolayde
wehel aan ku dhaartiyo ahaw dhaaya bilahayga