VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nasiib qoran - Lyrics

Qawlkiyo hadalkaagan wacan
Wax wayn buu qaban lahaaye
Maalmihii qaribnaa dhankayga
Xaggeed qosolkani la joogtey

Qof aan u qalmayn naftayda
Intaan u qasbaayey ruuxda
Jawigu wuu iga qasnaaye
Qiimaha waad igala raagtey

Hadduu qalab yaalo maanka
Qalbiga lagu eegi  karo
Siday qudhu kuu jeclaatey
Waxaa qiri laa aduunka

Jismiga qaybaa maqnayde
Qalbiga waad igala joogtey
Meel baad ku qornayd jidhkayga
Kaligaa qasri kuugu yaaley

Nasiib qoran bay ahayde
Khilaafka iswaaga keenay
Adoon iska qoomamaynin
Farxadda maantaba qaleeyay.

Hadduu qalab yaalo maanka...
Queue is empty
-- / --