halkuu igu sii wadiyo
hamuuntuu jacayl i baday
adaa ii horseedayoo
hurdaba waanu kala go'nee

hadaad haye igu tidhaa
ma hawlbay kugu tahoo
huqbaan kugu reebayaa

hadmaad i rumaysanoo
naftayda u hiilinoo
hogaan caashaqa u noqon

aan wada haahaabanoo
daruuraha wada haysanoo
hilaacnee sidii gugee
hareeraha ila qabo

hankayga ku doonay iyo
halbawlaha kuu damqaday
adaa halistaa gashoo
haraad koonka ahee

hadaad i hanoonisoo
hasaasaha ila wadana
ma halbaa kugu seegi lahaa

Exit mobile version