Been lama tilmaamee
Degmoo tiniyo cirib
Qurux waxay ka tahay taag

Taariikhda nolashiyo
Tusmadiyo aqoontana
Rabi uu u dhamaystiray

Waa timaa haldhaaleey
Xushmad lagu tallaaloo
Waalidkeed toolmoon
Kuma tacaab khasaarine

Tallaaba wanaagsan
Toolmooneey
Hobeey nuurbaan u tumaynaaye
Ee caawa yaan u kala tegineey
Rabi waxaan ka tuugaaye
Talada inaad wadaagtaane
Ee toowfiiq lahaataanee

Tallaaba wanaagsan
Toolmooneey
Hobeey nuurbaan u tumaynaaye
Aqalkiinna tiir adageey
Hobeey taagnaada waligiiye
Tusaniyoo barwaaqaaye
Hobeey rabi idiinku taageer
Hobeey tusaniyo barwaaqaa heey

Taaj baan kusaarnoo
Talmoon tol iyo gacal
Arooskiinna taageee

Taxanaha jacaylkiyoo
Tashigiyoo ismaqalkana
Haka tegina weligiin

Weey idinkaa tisqaadee
Tubta toosan wada maraa
Tabca ubad xalaaloo
Tarankiinna laguu farax

Tallaaba wanaagsan
Toolmooneey
Hobeey nuurbaan u tumaynaaye
Ee caawa yaan u kala tegineey
Rabi waxaan ka tuugaaye
Talada inaad wadaagtaane
Ee toowfiiq lahaataanee

Tallaaba wanaagsan
Toolmooneey
Hobeey nuurbaan u tumaynaaye
Aqalkiinna tiir adageey
Hobeey taagnaada waligiiye
Tusaniyoo barwaaqaaye
Hobeey rabi idiinku taageer
Hobeey tusaniyo barwaaqaa heey

Taaj baan kusaarnoo
Talmoon tol iyo gacal
Arooskiinna taageeere

Exit mobile version