igu filan jacaylkaagu
iga badan agjoogaagu
inyaroon ku waayaana
qalbigaan ka ooyaaye

aawadaa la kulankaaga
orod ma isa soo qaaday
anoo adi ku doonaayaa
maxaan kugu ag meeraystay

la'aantaa abaar weeyi
ii soo dhawaw qaali
ila faraxoo ii kaalay
abuurkii jacaylkeena
ila guro macaankiisa

igu filan xidhiidhkaagu
iga badan xasuustaadu
agagaarka beerkayga
ada dagay wadnaha qaybe

sidiibaan adiga xubi
eegmadaada ugu xiisi
sidiibaan ilmada xubi
adi kuugu qubayaaye

Exit mobile version