Intaad qaraxa xooraysid
Maatada xasuuqaysid
Xaafado walaalo
Intaad kala xudubinaysid

Ana kaa xishoon maayo
Maryahayga xidhan maayo
Guur kuugu xilan maayo
Xidid iima noqonaysid
Afku xoogle dib u jeedso

Adoo xeradii waydaara
Xushmad reerkii kaa waayay
Xaaskaagi ooyayso
Dumar kale xisaabtooda
Hadba kala xulxulidooda
Heblaayaa xadraynaysa
Xaluskeediibaa muuqda
Xubnahana badhbaa qaawan
Keeshalibay soo xidhatay
Waydinkan ku xiiqee
Xaawalayda maryahooda
Horta miyaad la xidhataan

Dumarkan xaquuqdooda
Xaqoodiina doonaaya
Miidhiyaha xariiftamaya
Kaftankoodu kaa xidhane
Xaqa dumarku leeyahay
Sida loo xanaaneeyo
Xeerkaan ku barayaaye
Casharada usoo xaadir
Afku xoogle dib u joogso

Exit mobile version