VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Casuumay Badree - Lyrics

cirkoo hooriyo daruur curataay cimilo wacaneey cudoonka naftaay carafta baadiyo udgoon cuudaay cilmi badan iyo caynaanka xiskaay dharaar caamiyo caraf dhaladaay cabirka dhararkiyo casaan dhaladaay cawada quruxiyo codkiyo muuqaay cudoon nasabiyo dhashii curumoo ceebla weeyoo ciyaar ma gashee halkay cag dhigtaa cagaar bixisoo anaa calmadoo casuumay bedree miyaan cidkale cabaar ag dhigaa cosob doogliyo ubax curdinaay cadceed casariyo cirkoo caadlaay garasho cimidhiyo caqli badaneey caynad gaariyo cayuun xubiyee ciiltira ruuxdiyo farxada camiray cisiga sharaftiyo caqliga kaabaay cududa beerkiyo curuuqda jidhkaay dawada curadkiyo dabiib aan cugtay ceebla weeyoo ciyaar ma gashee halkay cag dhigtaa cagaar bixisoo anaa calmadoo casuumay bedree miyaan cidkale cabaar ag dhigaa ceebla weeyoo ciyaar ma gashee halkay cag dhigtaa cagaar bixisoo anaa calmadoo casuumay bedree miyaan cidkale cabaar ag dhigaa
Queue is empty
-- / --