VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Farxad - Lyrics

Sida muuqa Ubax muujay Midab dhiina Ayaad maanka Mawjad caashaq Ku macsuuntay Love mug waynle Mirta laabta Oo muquunshay Dartaa maaxay Dhiig mareenka I maquunay Maqnaantaada Miridh ruuxdan Maarmi waydaa Markaad weedho Murtiyaysan Oo macaana Hoo mugaaba Malab caashaq Tidhi muudso Murug oo dhan Maqalkaagu Saw ma maydho Sida maalin Madal ciida Loo maqsuudo Miyir deeqaa Markaan dheehdo Muraaqooday I maamuusa Farxad miidhan I maansheeya Mara waaxid Mataantaydu Waa mageeno Maqnaantaada Miridh ruuxdan Maarmi waydaa Markaad weedho Murtiyaysan Oo macaana Hoo mugaaba Malab caashaq Tidhi muudso Murug oo dhan Maqalkaagu Saw ma maydho
Queue is empty
-- / --