qalbiga adigaa daweeya
duruus u dhigoo dabiiba
daqiiqad hadaan xanaaqo
dulqaad dulqaad
dulqaad adigaa u yeesha
2x

intaan duni joogo heedhe
miyaan daayici naftaada
ducada akhriyaa adkaarta
inaan inaan
inaan isku duubni gaadhno
2x

doqoni waa taan ogayne
miyaan diro diro warkiisa
intaan dhagaha u daloolsho
dayaca uuu
dayaca uu noo horseedi
2x

qalbiga dajiyaha i deeqay
dunida doorkaan ka qaatay
dayaca iga jira dhibaatoo
dareen dareen
dareen dhaba maba hilmaamo
2x

dadnimo ruux eebe siiyay
dulucda erayada fahmaaya
dariiqada daa,im sheegay
diintiyo diintiyo
diintiyo xarafkaan ilaawin
2x

doqoni waa taan ogayne
miyaan diro diro warkiisa
intaan dhagaha u daloolsho
dayaca uuu
dayaca uu noo horseedi
2x

Exit mobile version