Inagoo dhul lahashada
Libintii jacaylkiyo
Helay guushii libinee

Anoo kugu lamaanoo
Ku ladaaya raaxoo
Ladaneey ku aaminay
Adaa lama huraanee
Laba ifka dhawroo
Laydhii kalgacalkiyo
Laba laabtay
Laba laabtay caashaqa
Laba laabtay
Laba laabtay caashaqa

Inagoo lur iyo ciil
Inaan liicno diidnoo
Luganaan ku talo galay

Anoo laabta hoosiyo
Laaska dhiiga kaydshiyo
Kugu ladhay halbawlaha
Adaa lama huraanee
Laba ifka dhawroo
Laydhii kalgacalkiyo
Laba laabtay
Laba laabtay caashaqa
Laba laabtay
Laba laabtay caashaqa

Exit mobile version