nafta qiirada jacayl
qofka kale u qushuucsanee
xusuustu ay qaadantee
ilmada u qubaysa toos

markaan la qoslaaye maqan
qalbigu meel kale ka jiro
jacaylka qarsoodiga ah
ka rayso qaskaan ku wadee

hadaad qarsatay xubiga
qofkii kaa xaday qalbiga
dareen qirayabaa jiree
quluubta meel kale ku maqan
sideen u qaboojiyaa

qalooc isagoon mar jirin
is qoonsi dhexdeena ool
hadaad ku qarwayso ruux
maxaan kuu qaban karaa

qorshaha hadafkaagu yahay
ma kaa qalin daarayee
halkuu qalbigaagu rabo
si aad u qabawdo gee

Exit mobile version