sidii horimaad hilaac ku jiraa
habeenkii iftiimisa hereree

tufaaxa ka taagan tolmoonbaan
habeen walba taabo leeyahay

cagaarka ka baxay caleen wayniyo
cosob aan cidi daaqin baa tahayee

nin daar ku jiraa daruur ma arkee
ileeen xalay roobku wuu da,ay

sidii yayda hawd hore uma ledoo
il baan ka hurdaa aleylkiiyee

Exit mobile version