VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jedaali Ft Fiska - Lyrics

Caydaruus: Jedaalada gal gacalka leh Sida qaalin joogii kuruskii cirkaa jiro Intuu jabiyeye doogtii qaalmo luqunti baaroo jin bacuur jin bacuur jin bacuur la jeebtay Naftaan kuu jirabanee hooy hooy ee u jeelan oowgaa Adaa jiitay maankee u soo jixin jixoo ma u jiir naxeeysaa. FISKA: Halyeeyoow jacaylkani Waa horoo i jiitoo adna waad u jeedaa Wididada jirkeygiyo dhuuxu ku jaran yahoo wadnahuu wadnahuu wadnahuu dhex jiifaa Naftu weey ku jarisoo huunoow jeel horeey ku jamatee ku jikaari maa yee waa sidaad u jeedee aanan noqono jeex qura. CAYDARUUS: Habka caashaq leeyahay Dhebad waxaa u seexdiyo waxaan guur la jabaqsaday Jilbis iyo waxaan goor jaanta kula istaagaba Soow jacay soow jacayl soow jacaylku ima wadin Naftaan kuu jirabanee hooy hooy ee u jeelan oowgaa adaa jiitay maankee u soo jixin jixoo ma u jiir naxeeysaa. FISKA: Ruuxuu cishqi ka jeebay jirib iyo dhibaatiyo jilic sani ma waayee waxeey jaar wadaagaan jiradiyo xanuunkee joogi waa jiifi waa joogi waa yey aniguye Macaanoow naftu weey ku jarisoo huunoow jeel horeey ku jamatee ku jikaari maaye waa sidaad u jeedee aanu noqono jeex qura. Saxitaankii: IKRAAN
Queue is empty
-- / --