xulashada cidloowdiyo
cishqiyahaw basaasee
ciilmatira i baayoow
anigoo casuun idhi
calool sami ku soor idhi
kugu tuurtay ciidee
marbaad caafimaad heli
adna ooman cokaneey
casharada jacaylkiyo
cilmigiisa maad dhiigan
manaad baran caashaqee
maxaan kugu canaantaa
cugashadii ilduufkiyo
lahashadii cadibantee
ceeryaanta noqotaay
anigoo cisee idhi
kobci caawi sii idhi
kugu noqotay caasi
mar baad ciil la,aan ladi
adna ooman cokaneey
casharada jacaylkiyo
cilmigiisa maad dhiigan
manaad baran caashaqee
maxaan kugu canaantaa