VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ma huraan - Lyrics

Hadaan dumarkeenu Rumayn hamigeena Miyaan hiigsanlaynba Inaan heer gaadhnoo Aduun la halmaaloo Hadaan dumarkeenu Rumayn hamigeena Miyaan hiigsanlaynba Inaan heer gaadhnoo Aduun la halmaaloo Mar waa hagahaaga Dhab hooyo ku saartay Mar waa mahuraanka Hooyo aad la wadaagto War hiiliyo weeye Haldhaa inantaada Walaal marna heegan Ku hawlan dantaada Ku hawlan dantaada Way ani haweenku Halkuu iga joogo Hubaal eray qeexa Afkii heli waayay Hadaan ragu joogin Haween dhinacooga Nolasha la habaynin Nagaad u barbaari Hurdaba ma ladeene Hadaan ragu joogin Haween dhinacooga Nolasha la habaynin Nagaad u barbaari Hurdaba ma ladeene Waxaa hano qaada Ninkay la hayaane Hubaal garabkiisa Haween ninka waayay Halyay noqon maayo Halyay noqon maayo Waxaa hano qaada Ninkay la hayaane Hubaal garabkiisa Haween ninka waayay Halyay noqon maayo Halyay noqon maayo Aduunkan hayaamay Hayaamay hayaamay Ragbaa hirar geeyay Ragbaa hamigooda Haween ka rumeeyay Ragbaa u horseeday Hablaha farxadoodaa Mar waa hagahaaga Dhab hooyo ku saartay Mar waa mahuraanka Hooyo aad la wadaagto War hiiliyo weeye Haldhaa inantaada Walaal marna heegan Ku hawlan dantaada Ku hawlan dantaada Way ani haweenku Halkuu iga joogo Hubaal eray qeexa Afkii heli waayay Aduunkan hayaamay Hayaamay hayaamay Ragbaa hirar geeyay Ragbaa hamigooda Haween ka rumeeyay Ragbaa u horseeday Hablaha farxadoodaa
Queue is empty
-- / --