maxaan kugu doortayoo
anigu kuu dayn karayn
dareenka maxaa igu shiday
maxaad dumar dheertahoo
dushaada la iigu shubayeey

maxaan kuu daba socdaa
mar walba kuu daydayaa
oo aan daalka u maraa
dawarinta ugu jiraa
miyaa dadka iga xigtaa

wixii aad ii dirtaba
maxaan dagdag ugu ordaa
dadaal anigoo ku daray
wixii aan kaa dalbado
maxaa buuraha ku dada

sidii ruux galay dakanoo
maxaan dibad meer u ahay
dugaaga u weheshadaa
dugsiyo meel lagu gam'iyo
habeenkii dareen u tabin

maxaan dibindaabyadiyo
xumaanta u door bidaa
oo aad dulmi uga heshaa
maxaad iigu darantahoo
dhibkan iigu daawataa

Exit mobile version