VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adaa niyadayda - Lyrics

adaa qalbigii nuxuusay naxliga noloshayda gaadhay nusqaanta adaa ka saaroo nashaaqad maankayga siiyay adaa nuurshoo iftiinshee niyadayda adigaa ku beeree jacayl ku nagaaday laabta intiii nabar oogadayda naafeeyay naftayda oo dhan nitaaqadu intay damqaysay naxariistaada bogsiisay adaa nalka ii shidoo markaan neeftii ka quustay adaa neecow udgoon le naqaska wadnahayga siiyee adaa naaxshoo jacaylkee nimcada adaa ku sooro naftaada naftayda siiyee
Queue is empty
-- / --