Qurux dumaroo
aadmi daawado
Yusuf dabadii
Dunni timid baan
Saaka daalacay
(2x)

Annigu doortoo
laabta doontee
maanka deeqdoo
deeynba waayee
(2x)

Waa doogiyo
Ubax dilaacee
Gu’ da’ayiyo
daruur dilaacdee

diif baan qabaayoo
doon doonisteedii
daal aan ka qaadaan
La taag dareeyey
(2x)

Diric haweenoo
la dugaashado
deeqsi aabiyo
Hooyo dihataan
Saaka daalacey

Uurka dooxdoo
Jir dubaxshee
Aah u duloobaye
Yaa i daaweeya

Waa doogiyo
Ubax dilaacee
Gu da’ayiyo
Daruur dilaacdee

IIn baan qabaayoo
Doon doonisteedii
Daal aan ka qaadaan
La taag dareeyey
(2x)

Exit mobile version