Heesta Waa nuur cover - Lyrics
nabdigayga adigaa
ku nagaadi waayoo
nudo la iga beeray iyo
waxaad tahay naftaydee
markii aan naruurooy
nasiyaay ku guursaday
dumar nabad galyaan idhi
iyo nooli kulantee
wali maan nihin
niyadaydu waa taa
neecow jacayl iyo
nafisbaan dareemoo
waa nuur calaa nuur
waa nuur calaa nuur
marwo iyo ninkeeday
ku noqdaan iblaysoo
shaydaan la naaree
ha dhagaysan nacabkaa
dadka hoosta kaga naban
waligood naq iyo hadal
naxlibay abuuraan
nabaad guursha caashaqa