najmaay adiga mudnaansaan
haween adiga u muuqsan
dhigaa adigaa u magacsan
milgiyo sharafloo ma naaqus
dartaa aniga mashquulsan
xusuustaydani la maagsan
maxubo awgaa mashuuqsan
jacaylaan ku qabo muraadsin
kalsooni migloo misaansan
xeldheer meelmir loo muhiimsan
kalgacal muxibo loo macaansan
gudoonsatayee muhiimsan
najmaay adiga u mahadsan
asaagaba u miirsan
macaan kaliga macquulsan
gacalo adigaa marwaysan
lukiday qalbigay masuulsan
maankeed hanataye miciinsan
mustaqbalkeenana midaysan
midaan noqono mataansan