Inanyahay dushaadaa
La ii mariyo dacaroo
Dirqi guurku maahee
Dookhaan ku raacin
2x

Ragu laguma ku diidee
Ruuxii aan ku dooneyn
Ragu laguma ku diidee
Ruuxii aan ku dooneyn
Waa laga danbeeyaa
2x

Dadnimada aqoonsoo
Sidii dumar xishoodoo
Dadnimada aqoonsoo
Sidii dumar xishoodoo
Hadalkii la dadi jiray
Ha igu odhanin dibadee
2x

Inanyahay diraaciyo
Dirir hooray kala wacan
Adoo doogaarkaa yaqaan
Lama dago abaar
2x

Midiisiibaa daayacay
Dan kale dugsanayaa
Midiisiibaa daayacay
Dan kale dugsanayaa
Ani igala doqonsan
2x

Dadnimada aqoonsoo
Sidii dumar xishoodoo
Dadnimada aqoonsoo
Sidii dumar xishoodoo
Hadalkii la dadi jiray
Ha igu odhanin dibadee
3x

Exit mobile version