Nafteydaay qanaca baro
Qaraar gaaro bal garo
Dantaada qabso mar garo
Han quman yeelo wax baro

Adoon dib qoomameyn
Nasiibka qaloocdayoo
Qajeelo so xasuuso he
Ka quuso qof aan ku tabin
Ka saar kasaar qalbigo ilow

Nafyeydaay dibi isu qabo
Wixii qoran waa qoraale
Qar iyo buur ha iska ridin
Qorshiyo qorshiyo yeelo go'an

Nafteydaay quusta baro
Go'aan qaadoo bal dhigo
Runta qaabiloo mar dhugo
Qob wi oo naqo mar isgaro

Adoon qoraansasha leh
Qabyada waxa sababay iyo
Adoon qisadii rog rogin
Kamaaran quud maranto
Ka meyr ka meyr
Qushuucdoon iloow

Nafteydaay dib isu qabo
Wixii qoran waa qoraale
Qar iyo buur ha iska ridin
Qorshiyo qorshiyo yelo go'an.

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version