Nafyahay tani waa gunimo
Jacaylkan gumaysiga
Intuu gabi laa cisiga
Sharafta kaa galaafan laa
Go,aan baan kaa rabaa

Meeshaad geediga u rartiyo
Halkaad ila gaadhaysaa
Aniga waa geeridayda
Markaan gooso is idhaahdaba
Gocosho adigaa igu fura

Nafyahay tani maaha gare
Garawaaqso dantaada oo
Intaad ciil gubatid oo
Gadaal ka shalaysid baan
Garoo kuu diidayaa

Intuu kaa gooyay iyo
Intuu kuu gaystaybaa
Guudkaaga ka muuqatee
Halkaa kaga guduba oo
Ka raac gobonimo jacayl

Exit mobile version