ilayn qof laba nafood leh
qaybtiisii kale maqantay
inuu qarwo oo bukoodo
qandhadu ay ku sii siyaado
qushiye waa wehel la'aanta
dhagaha qawlkeeda doonaa
markay qunyar ku dhawaaqdo
ilayn qosolkeeda maanka
qalbiga oomanbaa dawooba
jacaylka qofkii la nool
inuu qaban waayo jiifka
amase qaayibo xasuuso
qaamuuska ayay ku tiilay
ruuxaad qalbigaaga siisay
halbawlaha maanka qaatay
hadaad qadar sikinaba waydo
qofbaa warwartoo dareenta
indhaha u quba ilmada