Markan tiisa ruuxaad
Ka shaqayso uurkoo
Haday bari wax gaaraan
Beerka kula xanuusado
Oo aad baraariyo
Umada soo badbaadaa

Isna baaba,aagiyo
Qeyladaada jacayloow
Isna baaba,aagiyo
Qeyladaada jacayloow
Intu boqonta kaa jaray
Booraan hadimo kuu qoday
Ba,anaa alahayoow ba,anaa
Ba,anaa alahayoow ba,anaa

Hadii bo,oo qof leeyahay
Bareer kuma dhawaaqoo
Banaankaa hortiisaa
Baqa haduu ka joogsado
Jirada yaa ka bixi kara
Baqa haduu ka joogsado
Jirada yaa ka bixi kara

Qofkaad bari is barateen
Balana aydin dhigateen
Adaa bulshada kale
Isaga uga bogaysoo
Beesha kaaga muuqdoo
Birta kaaga sii adag

Wacadkeena guuxiyo
Laba bari samaadkoo
Wacadkeena guuxiyo
Laba bari samaadkoo
Kaaga baxo kolkuu rabo
Booraan hadimo kuu qoday
Ba,anaa alahayoow ba,anaa
Ba,anaa alahayoow ba,anaa

Hadii bo,oo qof leeyahay
Bareer kuma dhawaaqoo
Banaankaa hortiisaa
Baqa haduu ka joogsado
Jirada yaa ka bixi kara
Baqa haduu ka joogsado
Jirada yaa ka bixi kara

Exit mobile version