ubixii aan beeroow
ma markaad bislaatee
baalaha casaysaa
axdigii bilnaa iyo
beenaysay wacadkii

ubaxaan baxnaanshee
u budliyay camuudee
iniintiisa biqilkii
wabiyada butaaciyo
baliyada xareeda leh
ka waraabshay biyahoo
ubaxaan baxnaanshee
baarka u salaaxee
cudurada bukaankiyo
baladiyo xumaatada
bahalada ka dhawree
barbarkiisa joogoow
ubaxaan baxnaanshee
boga aan ku haystee
baashada kalgacalkiyo
beer nugaylka caashaqa
buuga ugu qoraayee
balanta aan lahaynoow
ubixii aan beeroow
ma markaad bislaatee
baalaha casaysaad
axdigii bilnaa iyo
balanteenii waagii
beenaysay wacadkii

Exit mobile version