Arimahaan iswada galay
Guntiinmahan lawada xiray
Anoo gacanta kugu dhigin
Gooni uma furfurmayee

Ma go’oo Jacaylkuyee
Gabloo igu  ciyaaree

Goofaartankii xalay
markaan gogosha kugu tabay
kaa eegay goonyaa
kaa waayey garabkayga
ilmo gobo ma iga tiri..

Jacayl kaama guuroo
gu’ga kuuma tiriyoo
gaboow kuguma daayoo

Guuraa habeenkii
Gowraax xagaagii
Anoo go’na sidan
Guri uguma hooydee

Cadceeda oo igubtana
Geed kama harsanayee

Goofaartankii xalay
markaan gogosha kugu tabay
kaa eegay goonyaa
kaa waayey garabkayga
ilmo gobo ma iga tiri..

Jacaylkaa ma guuroo
Gu’ba kuuma tirayoo
Gaboow kuguma daayoo
Abaal kuuma galayee

Gocashada jaleecada
Indhahaa ku galiyee

Goofaartankii xalay
markaan gogosha kugu tabay
kaa eegay goonyaa
kaa waayey garabkayga
ilmo gobo ma iga tiri..

Exit mobile version