hayga roobka iyo
malab xabag barshooy
waa xarede jidhkaagu xariirsanaa

xididada jidhkayga kuu xeeraniyo
xubi galisayoo xiisahaaga i dilay

xidigtaan haweenka kasoo xushaa
xabadka iyo laabta makugu xidhaa

sida xiidka habeenkii xabeebtayoo
soma xero galoo hurdo kuma xasilo

xiliyada hurdada ku xasuustayoo

xubno quruxsanoow xiisahaaga i dilay

xubin geela iyo faras xamara iyo
xiin fiiniin baan bixine kaalay xilo janooy

xoolo iyo anoon hanti kugu xidhayn
waa xaqiiqoo naftayda anaa kuu xukumay

sida xadiiska loo xergeeya ee
xidhka loo daajiyaa kuu xanaanaynayaa

ana waxaan xafidi xogta guriga oo
maatidaad i xilsaartaybaan xanaanaynayaa

xiliyada hurdada ku xasuustayoo

xubno quruxsanoow xiisahaaga idilay

Exit mobile version