eray dhigalsa amaan dhamaysay
waxaan dhabaal san kashayda dhiilsan
waxay tidhaa macoyda dhowrsan
xaawa dhoolay alla dhamayseey
dhigaalsan quruxeey
ubaxa dhiino dharab ku yaaliyo
dhirtoo carfooneey
dhib laanbaan ku dhalay xaawa
oo dhashaydaa iiga dhigan tahay
reer kaagoon dhiso dhaaxan sugaayay
dhankaan kaa xigo dhaxani kaa fog
dharaar khayrlaan duc dhiilka
kuugu shubayoon kugu dhaanshe
xaawa dhoolay dhal gobeedeey
dhigeed urooneey
dhibicda roobo dhul barwaaqo ka dhex hilaacday
inta dhuuxa iyo dhiiga laga
dhegood ku ddhigan tahay
dhaqan suuban hidaha dhiibsan
sharafta dhawraa
dhacayee arooska dhoola
cadeeyo hdesha ila dheel

Exit mobile version