Mabsuuday dartaa mabsuuday
Muraaqoodoo nasiibku
Isii ruux igu macquula
Masuul xidigaha i geeyay
2x

Waxay muhanaysay laabtu
Markiiba adaa dareema
Jacayl wada muxibadiisa
Xiskayga adaa ku maaxsha
2x

Weeye haldoor magacaagu weeye
Weeye xurmada midigtaadu weeye
Qudhaydu macaaga weeye
Maankayguna waa qolkaaga
3x

Ka maarmay dartaa ka maarmay
Cid kale magantood ka maarmay
Doonida kaligaa macsuumay
Naftaydana kula midowday
2x

Jacayl adna ii macnaysay
Adaa u macalina qudhayda
Inaan galo mawjad caashaq
Sababta muxibada abuurtay
2x

Weeye haldoor magacaagu weeye
Weeye xurmada midigtaadu weeye
Qudhaydu macaaga weeye
Maankayguna waa qolkaaga
4x

Exit mobile version