VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mabuuday - Lyrics

Mabsuuday dartaa mabsuuday Muraaqoodoo nasiibku Isii ruux igu macquula Masuul xidigaha i geeyay 2x Waxay muhanaysay laabtu Markiiba adaa dareema Jacayl wada muxibadiisa Xiskayga adaa ku maaxsha 2x Weeye haldoor magacaagu weeye Weeye xurmada midigtaadu weeye Qudhaydu macaaga weeye Maankayguna waa qolkaaga 3x Ka maarmay dartaa ka maarmay Cid kale magantood ka maarmay Doonida kaligaa macsuumay Naftaydana kula midowday 2x Jacayl adna ii macnaysay Adaa u macalina qudhayda Inaan galo mawjad caashaq Sababta muxibada abuurtay 2x Weeye haldoor magacaagu weeye Weeye xurmada midigtaadu weeye Qudhaydu macaaga weeye Maankayguna waa qolkaaga 4x
Queue is empty
-- / --