Anooooooo da’ yaroo
Aan baran
Jacayliyo darajadii

Ayuu damaciyo kalgacal
Naftayda lasoo darsee
Ayuu damaciyo kalgacal
Naftayda lasoo darsee

Indhuhu keey doonayaan
Xaggiiseey daalacdaan

Dibnuhu markastaba ammaan
Ayeey u daliilayaan
Dibnuhu markastaba ammaan
Ayeey u daliilayaan

Raggaba kaan ka doortayoo
Dartaa baan u oomanee

Dawee nabarada qalbiga
Dawee nabarada qalbiga

Dareeeen igu soo kordhaa
Jirkayga dubaaxiyoo

Dadkoo sii hooyanayaan
Anigu dib usoo noqdaa
Dadkoo sii hooyanayaan
Anigu dib usoo noqdaa

Dayaan kiisaan maqlaa
Markaasaan daydayaa

Dabaylaha foorya iyoo
Dugaagaan weheshadaa
Dabaylaha foorya iyoo
Dugaagaan weheshadaa

Raggaba kaan ka doortayoo
Dartaa baan u oomanee

Dawee nabarada qalbiga
Dawee nabarada qalbigaaaaaaaa

Exit mobile version