marbay lulataa
rajadaad lahayd
leexadu sidaa

liiqliiqataa
looliga ku wada
laydhu ay ruxdaa

hooy adoo lumayoo
looyo aaminaa
libintaa heshaa

ku lingaxan waqtigu
labadii jacayl
laabtooda sudhay

aniguna ma lado
dhuunina ma liqo
lugooyana ma huro
waanan liicayaa

laxawga i hayaa
dhibta igu lamaan
naftan liidayoo
laabtayda dagay

lalabaha jacayl
anoo laasimaa
laxdamaha mar kale
lurkisana helaa

laamigaa socdaa
laydhku igu baxaa
lagdamaha cidlada
leefaa hawada

lahashada dareen
la heshiinay dookh
la wadagnay damac
lisnay godolkii

kaama leexdo oo
adaa igu lamaan
libtaydana hayoo
laxaadkayga sida

ladnaan jacayliyo
lama helo abaal
aadmi leeyahay

laydhi lama raroo
nabsi laas ku jira
dhaan looma diro

geedi lama furoo
lama dago abaar
sahan looma galo

laan gabi ku taaal
lama laaco oo
lama luro qalbiga

lama wiiqo ruux
laba kugu ahoo
nafta kugu ladhoo
geed laguma xidhano

hadaad ladantay
lugooyada kalgacal
nafta lama dhiboo
gunta laguma jaro

Exit mobile version