nasri kaamil iyo farxad naadiyow
nacabkiyo xumaha naanays u bixi

nitaaqiyo walaac ka sifee naftoo
inaad nolol heshana ku salee nafta

ma nugliye hadeer niyad sami aan qabo
jacayl nuxur liyo wiil naaxiyoo
nafeeqaya iyo naruuraan sugaa

nal iftiima iyo neecow udgoon
raas lagu nastaan naawilaayaa

naftoo doogsata iyo nasteexiyo kalgacal
nagaataybaan nuurkeed arkaa

Exit mobile version