miyaan karayaa xumaan
miyaan kabayaa dulqaad
miyaan kacay xasuus
miyaan korayaa salaan
miyaan koobayaa waqtiga
miyaan kalgacayl sidkaa
miyaan kohashada arkaa
miyaan kalinimo dhibsaday
miyay kaariyo xanuun
kalsooni ay dhaawaceen
kor iyo hoos waano badan
kun jeer samir aan dhahaa
kurbada ka dawaynayaa
miyaan kasayaa xujada
miyaan kiciyaa xusuus
miyaan kalifaa naftoo
miyaan kaarayaa intaa
miyaan kabo soo xidhaa
miyaan kayd gocanayaa
miyaan xus karbaashayaa
miyaan kalinimo dhibsaday