hadii cimri kuu dib dhigo
cibaaro ku dhaaftay iyo
nolosha casharaa ku jira
caqliga lagu kaydsadaa

wuxuu calaf kaa kaxeeyo
caloosha ka goo ilow
talana ceelyow ha galin
calaacalka guud ilow

cishqigan kaa gabalsadee
cadaawuhu soo dhex galay
caadilka EEBAA arkee
samirka cindigaaga gali

ha cugan waayaha cakiran
nolosha ku caraabi guul
waraabaha kaan ciyayeen
ee aan codlayn
midkii ciyaba ka roon

colbaa jira raadka gura ee
cidliyo ha ugu bixin banaan
cadawga adigoon ogayn
sahanka ceelalyada u diro

Exit mobile version