Ahmed Ali Cigaal

sida ubax gudoonsadey
ama keyn ugbaadloon
afka saarin xooluhu
adiga oon ii iman
urta caafimaadka leh
koley adiga inaad tahey
sow udgoonkii maan garan
ma ogtahey jaceylkuna
eebadu sitaa waa halis
wadna kaala eegtaa
adna uu xidid iidarey
ambabaxayee socodka
inaan eebe igu qadin
adiguna dheh amiin

axdigana ha fududeyn

Aamina Cabdilahi

sida oogta waa bari
ama maalin iida ay tahey
dadkoo idil soobaxey
aniga oon ku arkeyn
amba sow il duufkii
sidey adiga ila tahey
noloshaa ileyskii
ma ogtahey jaceylkuna
sida godonta beekriyo
uurkeyga reenkaa
anna kuugu ololaa
kol hadaanad ooleyn
inaan eebe kugu qadin
aamina kuu idhi
axdigana ha fududeyn

Ahmed Ali Egal

sida mayey arooryaad
ama ilo biyo lahoo
onkodiyo hilaac marey
adiga oon ii iman
sow uduga fooraha
koley adiga inaad tahey
oogada kamaan garan
ma ogtahey jaceylkuna
indhahaaga oo shana
sidaad iigu oydaan
anna kuugu ilmeeyaa
ambabaxayee socodka
inaan eebe igu qadin
adiguna dheh amiin
axdigana ha fududeyn

Aamina Cabdilahi

sida idin barwaaqa ah
ama ugub caleenloo
dheregtey ugaadhuna
amba sow uqiyo leyl
imaanka waxa suga
sidey aniga ila tahey
kama garan ulajeedada
ma ogtahey jaceylkuna
siduu kuu abaaruu
olol kaaga shidayuu
anna ii aafeeyee
kol hadaanad ooleyn
inaan eebe kugu qadin
aamina kuu idhi
axdigana ha fududeyn

Exit mobile version