waan ku sugayoo kuu samraayay
farxad socotaa igu salaantay
saw ma ogid taa
ina ku socodo dadba kula simin
oonan second second
saacadaw dirin sow ma ogid taa
na saani saaxi kugu ahay
oo sandalada iyo sow jad
ii tahay sow ma ogid taa
anoo sadrigiyo laabta
kugu sida oo sidii sabi
kuu sasabayee sow ma ogid taa
naftadad saaqdo sooryo kula
jecel bad sacidaayo saxar biise
sow ma ogid taa

Exit mobile version