hadaan idhi bidhaantaada
uma xiisin waa beene
ma anaa qof booskaaga
heli karaya ii buuxsha
ma anaan u boholyoobin
kulankiyo bilkhayrtaada

waxa igu banaanaatay
halkii aad ku beegnayde
sidan eeg bal muuqayga
u bedalay is waageenu
kaalay arag buseelkaagu
siduu iiga dhigay baylah

ilintaydu baaq weeye
bog ku jecel hayn waayay
i dareen bal ii fiirso
oo bilaahi way guule
ii fur buuga naxariista

waa buug xasuustaadu
hilawgaagu beeraayo
si kastoo la ii beentay
bogsan wayday ruuxdiiye
hirarkii is bixin waaga
ku dhex lumay badhtamahooda

berya kala maqnaanteenu
kaga culus qalbiga buure
intaad joogtay baashayda
noloshii bilaabmaysay
haka dhigin bar kuma taale
biladihii lasoo laabo

ilintaydu baaq weeye
bog ku jecel hayn waayay
i dareen bal ii fiirso
oo bilaahi way guule
ii fur buuga naxariista

Exit mobile version